Events

16 Days of Activism Against Gender Violence Campaign

November 25 – December 10

From Peace in the Home to Peace in the World:  Let’s Challenge Militarism and End Violence Against Women!

The 2013 16 Days Campaign advocates for awareness and action on the multi-faceted intersections of gender-based violence and militarism, while highlighting the connection between the struggle for economic and social rights and ending gender-based violence.

The theme focuses on militarism as a creation and normalization of a culture of fear that is supported by the use or threat of violence, aggression, as well as military intervention in response to political and social disputes or to enforce economic and political interests.

 Nabada ka bilow gurigaaga oo gaarsii aduunka: Aan ka hortagno dhibaatada xoogaga militariga ee keena ku xad gudubka haweenka!

Ololaha kacdoonka 16ka maalmood ee sandaka 2013 wuxuu ku saabsanhay baraarujin iyo hawlgal ku saabsan tacadiyada militariga ee ku aadan ku xadgudubka xuquuqda labka iyo dhedigga, ololahaas oo muujinaya xiriirka ka dhexeeya dadaalka horumarineed ee dhaqaale iyo xuquuqda bulshada iyo ciribtirka xadgudubyada ku saleeysan lab iyo dhedig.

Ujeedada ololuhu waa in diiradda la saaro muquuninta militari, oo ah mid ku saleeysan abuurista dhaqan cabsi galin ah oo la caadeeystay, dhaqankaas oo uu xoojiyo isticmaalka qulqulado, hanjabaada iyo faragalin ciidan. Ciidamadu waxay kaloo dhexdhexaadiyaan muran siyaasadeed iyo bulsho, ama xoojiyaan dhaqaale ama siyaasad gaar ah.    {Somali Language}.

*********************************

Golaha Isutagga Haweenka Soomaliyeed (GIHS) oo Ottawa ku soo dhameeyey

Wasiiradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalmiga ee Soomaliya

Marwo Fowzia Yusuf Haji Aden iyo Wafdigii la socday

October 1-2, 2013

 Golaha Isutagga Haweenka Soomaliyeed (GIHS) oo qayb weyn kaqaatay soo dhaweyntii Ra’iisul Wasaara ku xigeenka Kowaad, ahna Wasiiradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalmiga ee Dawladda Federaalka Soomaliya Marwo Fowzia Yusuf Haji Aden iyo Wafdigii la socday oo soo gaarey magaalada Ottawa, Canada Oct 1-2, 2013.

Laba iyo labaatan sanno kadib, booqashadani waxay ahayd tii ugu horeysay oo si rasmi ah Dawladda Canada u casuntey masuuliyiin matalaya Dawladda  Somalia,  waxaana magaalada si xurmad leh looga taagay Calanka Somaliyeed intii uu wafdigani joogay.

Wafdigaan oo ka koobnaa lix qof waxaa hogaaminaysay Raisul Wasaaraha ku xigeenka, ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaliya Fowzia Yusuf Haji Aden iyo Madaxa cusub ee loo doortay Guddoomisada Bangiga dhexe Marwo Yussur Abraar.

Golaha Isu Tagga Haweenka Somaliyeed (GIHS) iyo taageerayaashooda ayaa habeenkii bisha September 30keedii, wafdiga casho sharaf ugu casumay Hotelka weyn ee Lord Elgin Resturant oo ku yaala faras magaalaha Ottawa.

Casho sharaftaan ayaa wafdiga iyo haweenka reer Ottawa isku xog waraysteen, kana wada hadleen sidii ay dumarka Soomaaliyeed gacan buuxda uga gaysan lahaayeen dibudhiska Somalia. Cashada ayaa ku dhamaatay jawi farxad leh. Haweenkii ka qaybalayna waxay talo iyo dardaaran la wadaageen wafdiga, waxayna fariimo u direen Madaxweeyne Xasan Sh. Maxamad.

GIHS waxay kaloo hormuud ka ahayeed qabanqaabaddii xafladdii jaaliyada Ottawa ku soo dhaweeysay wafdigan bishii Octobber 1, 2013. Xafladaan baa dad kor u dhaafey 400 oo qof oo Soomali ah ay ka soo qayb galeen.

Xalfaladda waxaa si habsami ah u daadihineysay Nimco Maxamed Cali Abokor, oo ka mid ah assaasayaasha GIHS.  Waxaa kaloo ayaguna yimid masuuliyiin ka socda saddexda xisbi ee matala dalka Canada – H. E. Mr. Tod Optiz, oo ay soo dhaweysay Farxiyo Cali Cabdi Guure kana mid ah Asaasayaasha GIHS; Conservative, H.E. Mr. Paul Dewar, NDP, iyo H.E. Mr. David McGuinty, Liberal, kana soo gala xaafadaha Soomalidu ku badan tahay ee koofurta Ottawa.  Masuuliyiintaan ayaa hadalo dhiiri gelin ah ka jeediyey goobta. Waxayna sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in xiriirkii Soomaliya iyo Canada soo noqday labaatan iyo labo sanno ka dib, oo hadana halkaas laga sii wadi doono. Waxay ku baraarujiyeen dadkii halkaas joogay in ay ka qayb qaataan horuminta iyo dib u dhiska wadankooda Somaliyeed, iyagoo ugafaaiideydanaya aqoonta iyo waayo aragnimada ay ka kororsadeen Waddankooda labaad ee Canada.

Waxaa kaloo xaflada ka hadley dad matalyey bulshada kala duwan ee magaalada Ottawa. Dr. Hirsi Abdikarin Ciyow ayaa ka hadley halganka iyo soolyaalka dumarka Soomaliyeed.  Wuxuu dawlada Soomaaliyeed uga mahad celiyey doorka ay ka siiyeen dumarka dawlada, kuna dhiiri galiyey in ay sii wado dadaalkaas.

Sh.Maxamed Xusen Hadi oo matalayey duqeeyda magaalada Ottawa ayaa halkaa ka hadlay taariikhda iyo qiimaha qaranka iyo calanka Soomaaliyeed. Faarax Aw-Osman oo matalayey hayadaha had iyo goor u taagan caawinta iyo horumarinta dadka soomaaliyeed, ayaa asna wuxuu ka hadley muhiimada ay leedahay wada shaqaynta iyo wadajirka umada Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay Ifraax Xasan oo matalaysay dhalinyarada Soomaaliyeed. Ifraax waxay taabatay muhiimada ay leedahay in dhalinyaradu qaybwayn ka qaadato dib u dhiska wadanka. Waxaa kaloo halkaa ka hadlayAxmed Nur oo matalayay Golaha Midnimo Qaranka Soomaaliyeed. Axmed wuxuu halkaa ka sheegay muhiimada midnimada iyo cafisku uu u leeyahayy mushtamaca soomaaliyeed. Dadkii halkaa ka Hadley halkaan laguma soo koobi karo. Waxaa kaloo ka mid ahaa haweenk, diblomaasiyiintii hore, iyo ururada bulshada.

GIHS waxaa u hadashey Drs. Idil Ladane Salah oo ka mid ah asaasayasha golohan. Waxay si gaar ah diirada u saartay, sida lixaadka leh ee haweenka Soomaliyeed gaar ahaan kuwa dagan magaalada Ottawa uga qayb qataan kobcinta bulshada Ottawa, iyo dhismaha waddankeenii hooyo. Waxay kaloo xustay in Ottawa tahay meelaha dhaqdhaqaaqyadii ugu horeeyey ee Soomalinimada lagu karaameynayey ka bilowdeen, maadaama uu dagaalkii sookeeye dadka kala irdheeyey.

Dhaqdhaqaaqyadaas waxaa ka mid ahaa Somali Week (1991) oo hadda dhamaan North America iyo Europe looga dabaaldago sanad kasta, laguna xoojiyo jiritaanka umadda Soomaliyeed.  Xiriirka soo noqday ee Soomaliya iyo Canadana wuxuu ku yimid dadaal badan oo soo bilowday 1990kii, dadaalkaas oo ay horyaal ay ka aheyd Amb. Ebyan Salah, oo ah Safiiradda Soomaaliya u fadhida Dalka India, oo haddana ka mid ah asaasayaasha GIHS. Ambassor Ebyan waxay ku tilmaantay imaanshaha wafdigan, guul u soo hoyatay Soomali oo dhan, gaar ahaan reer Canada.

Wasiiradda iyo wafdiga la socday ayaa ayana markooda mahad naq balaaran u jeediyey dadka reer Ottawa iyo sida hagar la’aanta ah ee ay u soo dhaweeyeen iyagoo isku duuban. Wasiiraddu waxay si gaar ah uga hadashay horumarka dowladda Somaliya sameeysay, caqabadaha horyaala iyo qorshaha u diyaarsan dowlada si looga boxo dhibtaas.  Waxaa xusid mudan in Dawladda Canada ay ugu deeqday Somalia $6.5malyuun, taasoo lagu xoojin doono nabadgelyada iyo xaquuqul Insaanka.

Guddoomisada/ Bangiga dhexe ee Somaliyeed Marwo Yussur Abraar ayaa iyana xusuusisay dadkii xaflada yimid sida ay qurbajoogtu u dhiseen waddamo badan oo ay ka mid yihiin Israail iyo Lebnon. Waxay codsatay in lagu daydo dadka waddamaas, oo laga qayb qaato dib dhisidda Waddankeena Soomaliya.

Khudbadaha ka sokow, waxaa halkaas lagu soo bandhigay cayaaro ay ka mid tahay saylici, iyo hees wadani ah oo ay qaadey Saynab Laba dhagax, fananadii weynayd ee reer Canada. Waxaa kaloo si qiiraleh loo qaaday heestii Calanka ee Soomaliyeey Toosoo oo uu miraheeda jiibinayay Sh.Maxamed Xusen Hadi.

GIHS,waxay mahad gaar ah u celinayaan dhamaan guddigii ka qayb qaatay soo dhaweeynta wafdiga iyo qaban qaabadii xafladaan aadka u weeyneeyd.  GIHS waxay kaloo si gaar ah ugu mahadcelinaysaa Ambassador Mohamed Ali Americo, Ambassador Ciid Bedel oo  kana mid ahaa wafdiga, isla markaana ah safiiro ka soo jeeda Waddanka Canada, door weyna ka qaatey imaanshaha wafdiga Ottawa.

SWNC Dinner – April 2012- Toronto, Ontario

Somali Women’s Circle Network Calls for women’s participation in peace and nation building in Somalia.

On Sunday, April 09, 2012, Somali Women’s Circle Network hosted a dinner event in Toronto to reach the Somali women living in Toronto metropolitan. Over 60 Somali women with diverse backgrounds came together for the evening. The theme of the dinner was the Somali women’s role in peace and nation-building in Somalia.

During the dinner, the women discussed a number of ways that they can contribute to the peace process in Somalia and the role of women. Some of the highlights of the issues raised during the evening include:

• The challenges that Somali women face in Somali and in the Diaspora. These include work overload whether it’s raising a family alone or keeping the family together.

• Stated that poverty is taking a toll on Somali mothers and children. One of the participants met a Somali mother who immunized her child twenty times in search of extra funds for food.

• All the messages coming from North American Somali women diaspora were the same; the role of women is critical in peace building, and reconciliation in Somalia.

• Some of the elderly Somali women who were members of the SYL strongly endorsed the message of the SWCN and encouraged all Somali women to participate in the future of their Country. These elders hoped to see a peace in Somali in their life time.

• They all agreed to unify their support towards the Somali Women’s Circle Network and their involvement in the future of Somalia politics and governance.

Overall, the event was very relaxing, informative, and participatory. Women shared their love for their country, wisdom and pledged to support each other. SWCN and it members support the attempt of the political roadmap to include women in the future government of Somalia and the progress it has made so far.

Email: “Somali Women’s Circle Network” <somaliwomenscircle@gmail.com

SWNC Dinner – January 2012 – Ottawa, Ontario

Somali Women’s Circle Network Calls for Peace and Prosperity in Somalia

Over 70 Somali women with diverse backgrounds came together for a dinner event on January 07, 2012, in Ottawa, Canada. This dinner was hosted by Somali Women Circle Network (SWCN). The theme of the dinner event was “Peace and Prosperity for Somalia.”

SWCN is a network founded in July 2011 by a group of Somali women who are concerned about the future of Somali women and Somalia.

During the dinner event, the presenters had discussed a number of strategic ways of engaging diaspora women to make a tangible contribution to the peace and reconciliation processes in Somalia with the hope of bringing sustainable peace and prosperity to the country. Some of the highlights of the issues raised during evening include:

· Women’s perspective on the barriers for peace. Presenters highlighted how clanism, discrimination, human rights abuses including violence against women, poverty and a lack of basic needs such as free public education and health, as well as security are undermining

Somalia’s peace process.

· Improving women’s representation and participation in peace, reconciliation and Somali state building processes. Understanding the current political roadmap and its implication for women’s future participation in all levels of government is the first step. SWCN and its supporters call for an equal representation and participation in the implementation process of the current four-step Somalia roadmap (security, constitution, governance and reconciliation) because “peace process without women is building a house without a foundation”.

· The dinner event participants agreed that sustainable peace begins by healing the nation. This requires that Somalis forgive, while not forgetting the past, engage in healing reconciliation processes, and begin to learn how to agree to disagree for the unity of the nation. Compromise and respect should be at the center of all negotiations.

SWCN encourages its member to engage in raising peacemakers, rejecting clanism, and inequality and initiate conversations and dialogue among all Somali women inside and outside the country to discuss the future of their country. SWCN takes this opportunity to thank all the Somali women who took part of this exceptional dinner and their participation.

Contact: Somali Women’s Circle Network: somaliwomenscircle@gmail.com